Pope-ka diinta Kirishtanka iyo Imaamka Sare ee jaamacada Al-Azhar Sheikh Ahmed al-Tayeb ayaa kulan ka dhacay magaalada Abu Dhabi ugu baaqay caalamka in ay qaataan nabadda isla markaasina la istixgeliyo.

Kulanka ayaa ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta. Intii lagu guda jirey kulankaasi ayaa hogaamiyaha diinta Kirishtanka waxa uu ku booriyey hogaamiyeyaasha dunida in ay nabadda dhowraan isaga oo sheegay in dagaalada dhacay ay yihiin kuwo khatar ah oo dhiig badani ku qubanayo, wadammo badanna aafeeyay.

​“Dagaal waxba ma keeni karo oo aan ka aheyn jahawareer, hubku waxa uu sababaa dhimasho, cawaaqibtana waa tan aynu aragno mar walba oo indhaheenna hortaalla”
“Waxa aan ka fekerayaa wadammada Yemen, Suuriya, Iraq iyo Libya,” sidaasi waxaa sheegay Pope Francis.

Dhinaca kale Al-Tayeb, oo ah iimaamka sare ee Al-Azhar ayaa weydiistay dadka Islaamka ah in ay tixgeliyaan walaalahood Kirishtanka ah,isaga oo intaa ku daray in aysan jirin dad kala tiro badan ama cid tiro yar loona baahan yahay in isku xuquuq la noqdo, isku mas’uuliyadna la wada noqdo.

“Sii wada in aad dadka meel kasaba ha noqotee aad muwaadiniinta siisaan tixgelin, waana kuwo ay wadashaqeyn naga dhaxeyso ” ayaa uu yiri.

Waxa uu ka dhawaajiyey in Kirishtanku yihiin dad qeyb ka ah dalka Imaaraadka ayna mas’uuliyad ka saaran tahay cid waliba in ay soo kordhiso xasillooni.

Wufuudii ka soo qeyb gashay shirka Imaaraadka Carabta oo uu ka mid ahaa wasiirka difaaca Mareykanka ayaa ku tilmaamay hadalka labada wadaad tillaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here