Saraakiisha millteriga wadanka Suudaan ayaa xabsiga dhigay Mariam Sadiq al-Mahdi, oo ah gabar uu dhalay hogaamiyaha sare ee mucaaradka dalkaasi Suudaan.

Mariam ayaa aheyd ku xigeenka gudoomiyaha xisbiga Umma xisbigaasi oo uu aabaheed hogaamiyo.

Hogaamiyaha mucaaradka ayaa isagu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu dambeeyay ee si dimuqraadi ah loo soo doorto.

Labo ka mid ah gawaarida gaashaaman ayaa timid guriga Mariam halkaasi oo ciidammadu ku wateen, sida ay wakaaladda wararka u sheegtay Mariam walaasheed oo lagu magacaabo Rabah Sadiq al-Mahdi.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli taliyaha ugu sareeya ciidammada Suudaan uu ku dhawaaqay in la sii daayo 10-neeyo mudaharaadayaal ah.