Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa eed u jeediyey madaxweynaha Mareyakanka Donald Trump.

Maduro ayaa tilmaamay in Trump uu amar ku siiyey dowladda Kolombiya in ay dil u geysato isaga, waxa uu sheegey uu isagu markii hore uu ka rajo qabay wadahadallo uu la galo hogaamiyaha Mareykanka.

Wareysi uu siiyey wakaaladda wararka Raashanka ee RIA, ayaa madaxweyne Maduro waxa uu iska fogeeyay in Venezuela laga qaban doono doorashooyin, waxa uu sheegay in weli aan wax amar ah oo lagu soo xirayo mucaaradkiisa Juan Guaido aan weli lagu dhawaaqin, isaga oo sheegay in caasimadda Caracas ay sharaf iyo sumcad weyn u heyso Ruushka iyo Shiinaha.

Maalinimadii shalay ayey aheyd markii ciidammada milleteriga Venezuela ay ku dhawaaqeen in ay taagersan yihiin taliska uu madaxda ka yahay Maduro, tani oo laf dhuunta gashay ku noqotay Juan Guaido oo hogaamiya mucaaradka.