Iskuulaadka waxbarashada carruurta ee ku yaal degaanka Lamu gaar ahaan keynta Boni ee ka tirsan kowntiga Lamu ayaa irdaha la isugu dhuftay.

Xiritaanka iskuulaadkani ayaa jug weyn ku noqotay iskuulaadka kowntigaasi.

Xarumaha horumarinta waxbarashada carruurta ee ECDE ayaa ah kuwa keliya oo ku yaal Waaxyaha Basuba, Mangai and Kiangwe ee Bariga Lamu ayaa irdaha la isugu dhuftay.

Macallimiinta gobolka ayaa la sheegay in ay naftooda la baxsadeen iyaga oo ka cabanaya in ay amni xumo kala kulmeen kooxaha Al-Shabaab.

Dadka degaanka Boni ayaa iyagu ahaa dad ku tiirsan xarumaha haatan la xiray ee carruurtu wax ku bartaan.