Hogaamiyaha mucaaradka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ayaa ka horyimid natiijadii doorashooyinka, isaga oo isku tilmaamay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee ku guuleystay codadkii la tiriyey.

Martin Fayulu, hogaamiyaha mucaaradka Koongada dimuqraadiga ah ayaa shaaca ka qaaday in uu haatan yahay madaxweynaha sharciga ah ee ku guuleystay doorashooyinkii dhowaan ka qabsoomay dalkaasi.

Hadalka uu jeediyey hogaamiye Fayulu ayaa daba socday xukun ay riday maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaasi taasi oo ay maxkamaddu sheegtay in siyaasiga Felix Tshisekedi uu yahay ninka ku guuleystay doorashooyinkii dhacay bishii December 30-keedii.

Hogaamiye Fayulu ayaa ku tilmaamay maxkamadda sare in ay u xaglisay hal shaqsi isla markaasina ay muujisay xukun keli-talisnimo.

“Arrintani waxba ma dhaanto ‘afgembi aan dhiig ku daadanin’ sababtoo ah garsoorkii ayaa magacaabaya qof aan la soo dooranin’ ayaa uu yiri hogaamiyaha mucaaradka Koongada dimuqraadiga Mr. Fayulu.

Dhanka kale, Martin Fayulu ayaa ka codsaday maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka in aysan dheg jalaq u siinin hadalka maxkamadda dalkaasi ka soo yeeray.

Fayulu ayaa dacwad geeyay maxkamadda dastuuriga ah ee Koongo isaga oo ka dagaalamay qaabka ay u soo baxday natiijada doorashooyinkii dalkaasi Koongo ka dhacay waxaana uu ka hor yimid in uu doorashada ku guuleystay hogaamiyaha kale ee isaguna hogaamiyaha mkid ka mid ah garabyada mucaaradka dalkaasi ee lagu magacaabo Felix Tshisekedi.