Madaxweynaha cusub ee Burkina Faso Mr. Roch Marc Christian Kabore ayaa doonaya in uu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub..

Dowladda wadanka Burkina Faso iyo ra’iisul wasaaraheeda ayaa xilka isaga degtay maalinimadii shalay.

Ra’iisul wasaare Paul Kaba Thieba ayaa jagada ka degay waxaana warkani shaaca ka qaaday xafiiska madaxweynaha wadankaasi.

Wax sharaxaad ah lagama bixinin is casilaada dowladda ra’iisul wasaare Paul Kaba Thieba inkastoo ilaha wararku ay sheegayaan in madaxweyne Roch Marc Christian Kabore uu doonayo in uu helo maamul cusub oo la yimaada hogaan cusub oo u dhasha wadankaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay la daalaa dhacayey dagaallo, afduubyo iyo weeraro argagixiso.

Haweenay reer Kanada ah oo lagu magacaabo Edith Blais, 34 jir ah iyo saaxiibkeed oo u dhashay wadanka Talyaaniga laguna magacaabo Luca Tacchetto, ayaa muddo lagu la’ yahay dalkaasi waxaana lagu soo waramay in ay afduubteen kooxo jihaad doon ah iyadoo markii dambena dadkaasi meydadkooda laga helay meel u dhow goob laga qodo macdanta oo ku taal Waqooyi Bari dalkaasi Burkina Faso.

Facebook Comments