Xoghayaha guud ee ururka gobaleedka (IGAD) Maxbuub Maalin ayaa sheegay in hogaamiyaha Mucaaradka dalkani Kenya ee Raila Odinga uu awood u leeyahay jagada dhawaan ay u magacabeen ururka Midowga Africa.

Mr Maaalin ayaa ugu horayn uga hambalyeeyay Raila Odinga xilkan cusub ee ay u magacabeen ururka midowga Africa ee ah u qaabilsanaha kaabayaasha dhaqaalaha qaarada Africa ee Ururkaasi.

Xoghaye Maxbuub ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay Raila Odinga mashruucyada la xariira kaabayaasha hormarinta ee ka socda qaarada, sida dekada Lamu.

Dhawaan ayay ahayd markii ururka midowga Africa ay u magacabeen Raila Odinga in uu noqdo wakiilka ururka u qaabilsan kaabayaasha dhaqaalaha ee qaarada Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here