Barasaabka Ismaamaulka Nairobi Mike Sonko ayaa shaaciyay in uu dib u dhigay magacaabista barasaab ku xigeenka Ismaamulkiisa.

Mr Sonko ayaa sheegay in uu soo magacaabi doono shaqsi mudan in loo magacaabo xilkan kadib markuu wadatashi balaadhan uu la sameeyay siyaasiinta xisbiga Jubilee iyo Mucaaradkaba.

Gudoomiye Sonko oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in isbahaysiga NASA ay ka codsadeen in jagadaas uu u magacaabo haweenayda lagu magacaabo Rahab Wangui madaama ay qibrad u leedahay hogaaminta.

Ugu damabyn gudoomiyaha Nairobi ayaa xusay in uu ka fikirayo codsiga NASA  ee ku aadan in Rahab Wangui loo magacaabo baraaab ku xigeenka Ismaamulka gobaleedka Nairobi.

Jagadan ayaa banaanaday kadib markii uu iska casilay Polycarp Igathe bishii January ee sanadki tagay ee 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here