Saddex qof ayaa maxkamad lagu soo taagay dalka Zimbabwe, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xadeen boorso ay ku jirto $150,000 oo kaash ah oo uu lahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas, Robert Mugabe.

Tuugada la tuhunsan yahay ayaa la sheegay in ay lacagtaas ku gateen gawaari, guryo, iyo xoolo nool.

Sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas, mid kamid ah qaraabada madaxweynihii hore, oo lagu magacaabo Constantia Mugabe, ayaa kamid ah eedaysaneyaasha.

Waxaa la sheegay in ay haysay furayaasha guri uu Mr Mugabe ku lahaa tuulada Zvimba, oo u dhaw magaalada caasimadda ah ee Harare, ayadoo tuugada kalena u fududaysay in ay gurigaas galaan.

Dadka kale ee la tuhunsan yahay ayaa gurigaas looga shaqaalaysiiyay in ay nadiifiyaan markii ay xatooyadu dhacaysay, taas oo la sheegay in ay dhacday intii u dhaxaysay 1-dii bishii December ilaa horraantii January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here