Buundada jacaylka(Love Bridge) waa buundo ku taala magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska waxa ayna dhisantahay ku dhawaad 100 sano sida tariikhyahanadu ay sheegayaan.

Dhismaha buundadan ayaa markii hore ku bilowday kadib markii gabar lagu magacaabi jiray Nada oo ka soo jeeda dalka Faransiiska ay jacayl u qaaday Relja oo ka soo jeeda dalka Serbia, balse nasiib xumo uu Relja dagaal u aaday dalka Giriiga isagoo caashaqay gabar kale.

Kadib markii warkaasi uur kutaalada leh uu soo gaaray Nada ayaa waxa ay gashay xanuun sababay in markii dambe ay u geeriyooto,waxaaana markii ugu horaysay buundada lagu xiray qufulo lagu maamuusayo geerida gabadha.

Buundada ayaa waxaa sanadkasta booqasho ku yimaada kumanaan qof kuwaas oo qufulo ay ku xardhanyihiin magacooda ku lula buundada, iyagoo marka dambena furaha ku tuur wabi hoos mara buundada.

Lamaaha ayaa aaminsan in inta qufulkooda uu xiranyahay uu sii jiri doono jacaylkooda waxaana sababta keentay in buundadan lagu xiro ku dhawaad 1 Million oo quful, sida Dowlada Faransiisku ay sheegayso.

Sanaddkii 2015 ayay ahayd markii dowlada Faransiisku ay bilowday in qufulada qaar ay ka furto buundada madaama culayskooda ay sababeen in qayb ahan buundada ay burburto.

By Bile Beshir Mehbub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here