Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuq maasuqa ee (EACC) ayaa sheegay in ardada dugsiyadda hoose dhexe ee dalka ay qaadan donaan casharo ku saabsan la dagaalanka musuq maasuqa.

Guddiga (EACC) ayaa xusay in ay diyaariyeen casharo loogu talagalay in la siiyo ardada balse ay sugayaan in wasaarada waxbarashada dalku ay hirgaliso.

Mr Vincent Odongo oo ka tirsan guddiga la dagaalanka musuq maasuq ayaa ugu dambayn xusay in ujeedka laga leeyahay in ardada la siiyo casharo ku saabsan musuq maasuqa ay tahay in la baro sida uu u xunyahay musuqu.

Dhawaanki dambe dalka waxaa ka socday dagaal xoogan oo lagula jiray musuq maasuqa kaas oo saameeyay masuuliyiin haya xilal kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here