Wararka ka imaanaya Ismaamulka gobaleedka Narok ayaa ku soo waramaya in laba qof ay ku dhinteen halka 17 kalena la dhigay isbitaalka, kadib markii cudur looga shakiyay in uu yahay Daacuun uu ka dilaacay gobalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dadka isbitaalka la jiifiyay intooda badan ay ku noolayeen tuulada Nkasuria ee dhacda ismaamulka gobaleedka Narok.

Vivian Mpeti oo ka mid ah masuuliyiinta caafimaadka ee gobalka Narok ayaa sheegay in dadka qaar ay leeyihiin calaamadaha cudurka shuban biyoodka madaama ay hunqacayaan.

Mr Mpeti oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhakhaatiir caafimaad iyo kalkaaliyaal loo diray deegaanka uu cudurku ka dilaacay si baaritaan loogu sameeyo tayada biyaha iyo cuntada laga isticmaalo deegaankaasi.

Saraakiisha caafimaadka ayaa dhankooda sheegaya in sagaal qof oo ka mid ah dadka isbitaalka la geeyay ay xaaladoodu degantahay, balse wali dhakhaatiirtu ay la tacalayaan bukaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here