Wararka ka imaanaya Ismaamul gobaleedka Kirinyaga ayaa ku soo waramaya in ciidamada boliiska gobalkaasi ay xabsiga dhigeen 3 qof oo lala xiriirinayo in ay wax ka ogayeen lacag dhan 1.8 Million oo laga dhacay goob ganacsi oo ku taala degaankaasi.

Kooxaha burcada ah ayaa dhac u gaystay suuqa Githure Trading Centre iyagoo goobta isaga baxsaday, sida dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen.

Falalka la xariira dhaca ayaa ka dhaca meelo ka mid ah ismaamulada dalka iyadoo falkii ugu dambeeyayna laga soo wariyay ismaamulka Embu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here