Taliyaha ciidamada boliiska dalka Joseph Boinnet ayaa ku amray madaxa waaxda dambi baarista ee CID George Kinoti in uu kala shaqeeyo Gudiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka ee magiciisu loo soo gaabiyo NCIC, sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dadka baraha bulshada u adeegsada kicinta colaadaha ka dhaxeeya qoomiyaddaha dalka.

Guddiga NCIC aya kol sii horaysay bilowday baritaanka lagu samaynayo qoraal masuuliyad daro lagu tilmaamay oo bartiisa Twitterka uu soo galiyay nin lagu magacaabo Dennis Kiptoo Mutai.

Balse ciidamada boliiska ayaa ninkaasi xabsiga dhigay iyadoo la filayo in maalamaha soo socda la soo taago maxkamada.

Sanadi 2007 ayay ahayd markii 1000 qof ay ku dhinteen halk nus milyana ay ku barakaceen rabshado ka dhashay doorashadii natiijadeeda lagu murmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here