Wasaarada arrimaha dibada dalkani Kenya ayaa balan qaaday in ay si dhow isha ugu hayn doonto xaaladaha ay ku suganyihiin muwadiniinta Kenyaanka ah ee ku nool dalalka jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee congo iyo dalka Gabon oo ay ka taaganyihiin xiisado siyaasadeed.

Xoghayaha arimaha dibada dalkani Kenya Amb Macharia Kamau ayaa sheegay in wasaaradu arrimaha dibadu ay si dhow ula socotay xaaladaha laba dal ka taagan, ilaa iyo haddana aan la soo warin muwaadin Kenyaan ah oo dhibaato ay soo gaadhay.

Dhawaan ayay ahayd markii dalka Gobon uu ka dhacay afganbi fashilmay halka dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee Congo la isku maandhaafsanyahay doorasho halkaasi ka dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here