Nin u dhashay dalka Nigeria ayaa koomo galay kadib markii uu ogaaday in guri mudo 10 sano ah uu ku deganaa kiro ay leedahay Xaaskiisa.

Sida ay qorayso Warbaahinta dalka Nigeria ninkan ayaa sheegay in uu aad ula yabanaa kirada guriga oo kordhaysa labadi sanaba mar, islamarkaana markii dambe uu tuhun qaaday isagoo go’aansaday in uu baaro cida leh gurigan.

Kadib baaritaan dheer ayuu sheegay in ay u soo baxday in guriga ay leedahay xaaskiisa ayna kaydsanjirtay lacagta ay kirada uga qaado.

Guriga oo ku yalaa magaalada Lagos ee dalka Nigeria ayuu ninku sheegay in uu aad u jeclaystay in uu ku nolaado madaama uu ku yaalo goob aad u quruxbadan deegaankana ku wacan, arintaasina ay ahayd sababti ku qasbaysay in uu bixiyo lacag kasta oo kiro ah oo lagu soo dalaco.

By Bile Beshir Mehbub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here