Ciidamada boliiska magaalada Nairobi ayaa weerar ay ku qaadeen guri ku yaala xaafada Kilimani ee magaalada-tan Nairobi ku soo qabtay hilibka ey, fool maroodi iyo sidoo kale diin diin nool.

Guriga la weeraray ayaa waxaa deganaaa sadex qof oo ka soo jeeda dalka shiinaha, sida saraakiisha boliisku ay warbaahinta u sheegeen.

Howlgalka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qabtay sigaar kontorobaan ah oo ku fadhiya lacag dhan 2 million oo shilinka dalka ah.

Madaxa waaxda dambi baarista ee Nairobi Nicholas Kamwende ayaa sheegay in baaritaankooda kadib ay faahfaahin buuxda ka bixin donaan howlgalkan ciidamada boliisku ay fuliyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here