Masuuliyiin ka tirsan guddiga la dagaalanka gudniinka fircooniga ayaa sheegay in aysan jirin gabadho laga baaray gudniinka fircooniga ah Ismaamul gobaleedka Narok .

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay dowlada ayaa yimid kadib markii caro ay ka dhalatay  baaritaan lagu sameeyo gabadhaha iskuulayda si loo hubiyo in looguday qaabka gudniinka fircooniga ah iyo inkale.

Gudoomiyaha Ismaamul gobaleedka Narok George Natembeya ayaa sheegay maalinti jimcada ahayd in laga baaray gudniinka fircooniga ah dhamaan gabadhaha ku soo laabanaya dugsiyadda.

Hay’addaha u dooda xuquuda aadana ayaa ku tilmaamay baaritaan lagu sameeyo gabdhaha dadoda u dhaxaysao 9 sano ilaa iyo 17 sano in ay tahay xadgudub ka dhan ah xuquuqdooda iyo sumacadooda.

Guddiga la dagaalanka gudniinka fircooniga ee dalka ayaa sheegay in baritaan ay ka sameeyeen Ismaamulka Narok, islamarkaana aysan helin cadayn muujinaysa in baaritaan lagu sameeyay gabdhaha iskuulayda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here