Sadex qof oo ka soo jeeda dalka Shiinaha oo lagu qabtay alaabo kontorobaan ah sida fool maroodi, geeska wiyisha, hilib ey iyo diin diin nool ayaa lagu wadaa in la soo taago maxakamda magaalada Nairobi maanta oo arbaco ah.

Dadka tuhmanayaasha ah ayaa lagu soo qabtay howgal ciidamada boliisku ay ka fuliyeen xaaafada Kilimani ee magaalada-tan Nairobi galinki dambe ee shalay.

Badeecooyinka kontorobaanka ah ee lagu qabtay ajaaniibtan ayaa lagu qiyaasay aduun lacageed oo dhan 2 Million oo shilinka dalka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here