Laba Lamaane oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa qarka u saraan in ay kala tagaan, kadib markii ninku uu ku adkaystay in Ilmaha ugu horeeya ee uurka gabadha ku jiro uu ku samiyo Jacaylkiisi hore Marka ay dhalato, arintaas oo xaaskiisa ay si wayn uga biyo diidsantahay.

Gabadha ayaa dhankeeda ku adkaysanaysa in aysan aqbali karin in gabadheeda curudka ah lagu samiyo magaca Jacaylki hore ee saygeeda.

Haweenayda oo hadda leh uur 7 bilood ah ayaa sheegtay in wada kaliya ee ufurun ay tahay in la furo islamarkaana aysan marna aqbali karin in magaca saxiibti hore ee Ninkeeda lagu samiyo gabadheeda.

Jariirada arimaha bulshada ka fooloota ee Reddit ayaa soo bandhigtay sheekadan iyadoo gabadhuna ay ka codsaday dadka akhristayaasha ah in ay la taliyaan.

Labadan lamaane ayaa mudo sanad ah soo waday xiriir Jacayl oo dhaxalsiyay in ay nolasha ku midoobaan.

Dadka intooda badan la taliyay gabadhan ayaa ku dhiiragaliyay dalabkeeda ku aadan furiinka, iyagoo sheegay in Ninka hadii uu jecelyahay uusan ku samiyeen gabadhiisa magaca Jacaylkisi hore.

By Bile Beshir Mehbub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here