Faafaahino dheeri ah ayaa ka soo baxaya dab xalay ka kacay suuqa qaadka lagu iibiyo ee ku yaala magaalada Mandera.
Dabka ayaa xalay habeenimo qabsaday qaybo ka mid ah suuqa qaadka magaalada Mandera waxaa dadka deegaanka ay idaacada Tusmo u sheegeen in dabku uu ka kacay suuqa saacadu markii ay ahayd sadexdi saac iyo qadar afartan daqiiqo ah.
Suuqan aya  ku yaala bartamaha magaalada Mandera waxana ku hareereysan xarumo shidaal laga qado(patrol station ) balse dabka ayaa ku ekee suuqa oo kaliya, sida uu soo sheegayo Wariyaheena magaalada Mandera Cabdi Khayr Cali Jimcaale.
Si kastaba ha ahatee, ma aha markii ugu horaysay ee uu dab ka kaco suuqa qaadka ee Magaalada Mandera balse waxaan si rasmi ah loo ogayn waxa sababay dabkan xalay ka kacay suuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here