Booliska Britain ayaa toogtay mid kamid ah saddex nin oo ay ku raad joogeen, kadib markii ragaasi ay isku dayeen in ay ka baxsadaan Booliska.

Howgalkaani ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Coventry ee gobolka West Minlands ee dhaca galbeedka Dalkaasi Biritain.

Booliska oo aad u hubeysanaa ayaa warqada xiritaanka usoo goystay ragaan oo ay xogtooda haayeen, balse ragaan saddaxda ah ayaa iyagana ku war helay in boolisku ay damacanyihiin in ay xiraan.

Sidaasna ay isgu dayeen in ay baxsadaan balse rasaas laga daba riday ay sababtay in mid kamid ah uu geeriyoodo halka labbada kalana ay maqanyihiin oo lagu raad joogo, siada ay sheegeen Booliska dalkaasi.

Faahfaahina dheeri ah Boolisku kama aysan bxiin sababta markii horeba ay u doonayeen in ay usooo xiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here