Gudoomiyihi hore ee guddiga olombikada qaran ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (NOCK) Charles Mukora ayaa geeriyooday, sida uu xaqiijiyay Masuul horay uga tirsanjiray gudigaasi.

Mr. Mukora ayaa geeriyooday habeenimadi xalay sida uu warbaahinta u sheegay Stephen Soi oo guddigaasi horay uga mid ahaan jiray, isgaoo sidoo kale tacsi u diray ehelkii uu ka baxay Masuulkan.

Charles Mukora ayaa mar soo ahaa tababare dhanka ciyaaraha orodka waxaana laga xusi karo dadka uu soo tababaray orodyahanki caanka noqday ee Kipchoge Keino.

Si kastaba ha ahatee, Mr Mukora ayaa iska casilay madaxa guddiga NOCK sanadii 1999ki kadib markii loo jeediyay eedaymo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here