Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedka ka taagan deegaan hoostaga degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay madaxweynaha in dagaal-beeleedyada ka soo laa laabtay Degaanno Hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo lagu taageerayo  Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Waare ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka taagan duleedka degmada Maxaas.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa gudi u saaray dhameynta Xiisada ka taagan duleedka Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.