Boliiska dalka ayaa sheegay in ay nooshahay Silvia Romano oo ka soo jeeda dalka Talyaaniga, taas oo mudo bil ka hor ah laga afduubtay xaafada Chakama ee ismaamul gobaleedka Kalifi.

Taliyaha ciidamada Boliiska gobalka xeebta Noah Mwivanda ayaa sheegay in Ms Romano ay wali nooshay laguna hayo meel ka mid ah dalka.

Illo wareegyo ka tirsan laamaha boliiska ayaa warbaahinta bu sheegay in kooxaha afduubka gaystay ay u baxsadeen dhanka magaalada Garissa iyagoo ku sii jeeda dalka Somaaliya.

Falka lagu afduubtay gabadhan ayaa loo soo xiray ku dhawaad 100 qof kuwaas oo laga soo kala xiray ismaamulada Kalifi iyo Tana River.

Dhanka kale ciidamo badan oo boliis ah ayaa hareereeyay degaanada xuduuda ah sida kaynta Boni , Lamu, Garissa, iyo Tana River si ay u baadi gobaan gabadha Talyaaniga ah ee la afduubtay.

Ms Romano ayaa si mutadawalnimo ah ugu shaqaynaysay hay’adda aan dowliga ahayn  ee Milele Onlus taas oo ka shaqaysa sare u qaadida heerarka akhriska.