Dowlada Denmark ayaa soo saartay sharci cusub oo ku qasbaya qof kasta oo qaadanaya dhalashada dalkaasi in uu gacan qaado ama gacanta ku salaamo masuuliyiinta gudoonsinaysa sharciga.

Sharcigan cusub oo maalinki shalay ay meel mariyeen xildhibaanada Denmark ayaa guux badan ka dhex abuuray Muslimiinta dalkaasi ku nool madaama diinta Islaamku aysan ogolayn in qof ajnabi kaa ah oo aad isgaysaan aad ku salaanto gacantaada.

Xeerkan cusub ayaa sidoo kale waxaa dhaliilay duqayda magaalooyinka dalkaasi oo ah kuwa la kulmi doona waji gabaxa madaama ay yihiin kuwa qabanaya xafladaha lagu gudoonsinaya qofka qaadanaya dhalashada wadankaasi.

Si kastaba ha ahatee, ma aha Denmark oo kaliya meelaha Muslimiintu ay kala kulmayaan sharciyada lidiga ku ah diinta Islaamka dhawaan waxaa iyana ka dhacday dalalka Switzerland iyo France in dhalashada dalalkaasi loo diiday dad ku gacan sayray in ay gacanta ku salamaan masuuliyiinti gudoonsinayay sharciyadooda.

Hadii aad timaado Denmar waa caado in aad gacan qadaa markaa qofka salaamayso hadii aadan rabin sidaas waa xushmad daro mana aha in aad noqoto muwaadin Denmark ah” sidaasi waxaa yiri Martin Henriksen oo ka mid ah xildhibaanada sida wayn u dhaliila dadka muslimiinta ah.

1 bishii August ee sanadkan ayay ahayd markii dowlada Denmark ay dalkeeda ka mamnuucday xirashada indha shareerka arintaas oo iyana ka caraysiisay Muslimiin badna oo dalkaasi ku nool.

By: Bile Beshir Mehbub