Barasaabka Ismaamul gobaleedka Migori Okoth Obado oo loo haysto in uu ka dambeeyay falkii lagu qaarajiyay gabadha ardayada ahayd ee Sharon Otieno ayaa maanta oo khamiis ah  markale ka soo hormuuqday maxkamada sare ee magaalada-tan Nairobi.

Mr Obado  iyo laba eedaysane oo kale oo uu kala ah kaaliyihiisa gaarka ah ee  Michael Oyamo iyo xubin horay uga tirsnaan jiray golaha degaanka Migori Mr Casper Ojwan ayaa maxkamada la soo taagay si ay usii socota dhegaysiga dacwadaha ka dhanka ah.

Garsooraha maxkamada ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay in dhegaysiga kiiskan la isugu soo laabto 21 bisha January ee sanadka fooda nagu soo haya.

Mr Obado ayaa mudo ku jiray xabsi ku yaala magaalada Nairobi isagoo markii dambe lagu sii dayay lacag damaanad ah oo dhan 5 million oo shilinka dalka ah.