Senatarka Ismaamulka Nairobi Sakaja Johnson ayaa kiis ka dhan ah amarka lagaga mamnuucay in gawaarida dadweynaha ay soo galaan faras magaalaha u gudbiyay maxkamda Nairobi maanta oo isniin ah.

Senatarka ayaa sheegay in go’aanka gadiidka dadweynaha lagaga mamnuucay in  ay soo galaan bartamaha magaalada caasimada ah ee Nairob uu yahay mid dhibaato ku ah Dadka shacabka ah.

Mr Sakaja ayaa ku eedeeyay barasaabka Nairobi Mike Sonko in uu ku guul daraystay in oo la tashto dadka shacabka ah ka hor inta aan la dhaqan galin sharcigan cusub.

Kiiskan uu  senetarka Nairobi u gudbiyay maxkamada ayaa imaanaya kadib markii saaka uu si rasmi ah u dhaqan galay sharci cusub oo u diiday gadiidka dadweynaha in ay gudaha u soo galaan faras magaalaha magaalada caasimada ah ee Nairobi.