River Plate iyo Boca Juniors ayaa kulanka lugta labaad ee kama danbaysta Copa Libertadores ku ciyaari doona garoonka Santiago Bernabeu marka lagaaro 9-ka bisha December.

Madaxda FIFA ayaa lafahansanyahay in ay xiriirka Spain ay waydiisteen haddii ay marti galin karaan kulanka kadib markii ciyaarta loo baajiyay qalalaaso ay sameeyeen taagerayaasha labada kooxood.

Ciyaarta u dhaxaysa labada kooxood ee sida aadka u xifaaltama ayaa labaajiyay sabtidii lasoo dhaafay kadib markii ay taageerayaasha kooxda River Plate ay weeraraeen tababaraha kooxda Boca Junior oo joogay xerada tababarka ay kooxdiisu isugu diyaarinaysay kulanka.

Kooxda Boca ayaana codsatay in kulanka lagu ciyaaro garoon aysan lahayn labada kooxood kadib markii weeraro hakis oo ay soo qaadeen taagerymayaasha River Plate lagu dhaawacay ciyaartooydeeda.

Kulan dhex maray madaxda sare ee xiriirka Argentine ee magacooda loo soo gaabiyo CONMEBOL iyo kuwa kooxda Boca uu qaatay muddo asbuuc ah iyada oo kulanka loo qalqaalinayay in ay marti galiyaan wadamada Paraguay iyo Qadar.

Isku dibbaridayaasha ayaana go’aansaday in kulanka la ciyaaro 9-ka December, xilligaas oo kubeegan 9-bari kahor marka uu bilaaban doono koobka kooxaha adduunku oo ay qayb gali doonto labada kooxood middii guul gaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here