Magaalada jaziiradaha caanka ku ah ee LONGYEARBYEN, ee dalka Norway ayaa ah magaalo ay mamnuuc ka tahay in lagu dhinto ama qofka dhinto lagu aaso.

Qabowga iyo cimilada ka jirta magaaladan ayaysan suurtagal ahayn xitaa in maydka uu burburo, waana sababta keentay in magaaladan laga mamnuuco qubuuraha.

Saynisyahano baritaan ku sameeyay dad u dhintay fayris halis ah oo hada ka hor ka dilaacay magaaladan ayaa sheegay in maydadka wali ay qabaan cudurki ay u dhinteen ayna suurtagal tahay in markale magaalada uu ka dilaaco cudurkaasi.

sidaas darteed ayaa sanadkii 1950 kii waxaa la soo rogay sharciga mamnuucaya in magaalada lagu dhinto ama lagu aaso qofkii dhinto.

Dadka degan magaaladan ayaa ku qasban in qofka markii uu qabto xanuun u eg kii geerida in loo qaado magaalo kale si hadii uu dhinto halkaasi loogu soo aaso.

Dadka nuul magaalada ayaa lagu qiyasaa 2,144 oo qof halka digriiga magaalada uu ka hoseeyo -3°C.

Qore: Bile Beshir Mehbub (BBM)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here