Wararka saakay laga helayo deegaanka Goofgaduud buurey ee Gobalka Bay ayaa sheegaya in weerar ku bilowday qaraxyo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku weerareen saldhig ay ciidamada Dowlada iyo kuwa Koofur Galbeed ku lahaayeen Deegaankaasi.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayay hubka Noocyadiisa kala Duwan, iyadoona Dhawaqa madaafiicda laga maqlayay tuulooyinka Hoostaga Deegaankaasi.

Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta u  Sheegay in Al-Shabaab ay la wareegeen Saldhiga ay joogeen ciidamada dowlada, islamarkaana dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu  jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Goofgaduud Buurey.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay Deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobalka Bay.

Deegaanka Goofgaduud Buureey  ayaa  qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi waxaa ay kaga beegan tahay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku dagaalamay Deegaanka Goofagaduud buurey, iyadoona marar badan ay Gacan ku haysteyda ay isku badbadalayeen Al-Shabaab iyo Ciidamada Xoogga.

Cabsi badan ayay saakay muujinayaan dadka Deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobalka  bay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here