Wararka laga helayo tuulada Miyare ee hoos tagta Ismaamul gobaleedka Migori ayaa ku soo waramaya in laba ilmood oo walaalo ah ay ku dhaceen biyo xireen halkaasi ku yaalay.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in wiilka oo lix sano jir ahaa uu ku dhacay biyo xireenka balse gabadha oo isku dayday in ay badbaadiso ay iyana biyaha ku dhacday arintaas oo markii dambe keentay in labadooba ay geeriyodaan.

Hooyada caruurta dhashay oo lagu magacaabo Ms Iscah Akoth ayaa sheegtay in aad uga xuntahay dhimashada caruurteeda, iyadoo xustay in hada maydka caruurta la dhigay isbitaal ku yaala degaankasi.