Umoja waa tuulo hoos timaada degmada Samburu oo 380-KM dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Waxaana tuuladan mamnuuc ka ah dhamaan noocyada kala duwan ee raga dadkan halkaan ku nool waa dumar oo kaliya, raga looma ogola in halkan ay ku nolaadaan balse waa ay soo booqan karaan.

Tuulada oo loogu magacdaray Umoja ayaa loola jeedaa midnimo waxaana markii ugu horaysay la aas aasay sanadku markuu ahaa 1990kii.

Rebecca Lolosoli waa haweenay caan ka ah tuuladan Umoja waxa ay ka mid tahay dumarka u olaleeya xuquuqda aadanaha ee tuuladaasi caanka ka ah, waxayna sheegaysa in degaankaasi ay ku badbaadi karto qofkasta oo dumar ah dhibaatana la kulanta.

Dhaqanka qoomiyada Samburu ayaa waxaa ku jira cadooyin dhibaato ku ah dumar badan, sida guurka deg degaa ah, gudniinka fircooniga iyo dhibaatooyin kale oo kufsiigu uu ka mid yahay waana baahida keentay in dumarka ay samaystaan tuulo ka caagan raga.

Qabaa’ilada Samburu ayaa dhaqan ahaan u dhow kuwa Masayda waxayna wadaagaan hal luuqad, waana dad u badan xoola dhaqato ah.

Haweenay kasta oo dhibaato la kulanka ayay u furuntahay in ay soo degto tuuladan iyadoo ugu nolaan karta sida ay rabto si markale ay uga gashaamato dhibaato raga ka soo gaadha madaama ay tahay degaan ka madax banaan raga oo dhan.

Dumarka halkaan ku nool ayaa iska aruuriya lacago waxayna gacantooda ku dhisteen iskuulo caruurta ay wax ugu bartaaan.

Xarumaha soo jiitay indhaha dad badan ee halkan ku yaala waxaa ka mid ah goob dalxiis taas oo sanadkasta ay booqdaan kumanaan dalxiisayaal ah oo ka kala yimid daafaha dunida.

Qore: Bile Beshir Mehbub (BBM)