Maamulka Ismaamul gobaleedka Narok ayaa ayaa sheegay in dhamaan gabadhaha Iskuulayda ah laga baari doono gudniinka fircooniga ah ee loo yaqaano (FGM) iyi sidoo kale uurka.

Gudoomiyaha ismaamulkaasi George Natembeya ayaa sheegay in baritaanka uu bilaaban doono 1 bisha January ee sanadka soo socda ee 2019.

Mr.Natembeya oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in qorshan ay uga gon’leeyihiin in lala xisaabtamo walidiinti lagu helo in gabdhahooda ay ku sameyaan gudniinka fircooniga ah.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa digniin u diray raga uurka ka dhiga gabadhaha dada yar isagoo  ku nuux nuuxsaday in talaabo adeg uu maamulkiisu ka qaadi doono cidii lagu helo falkaassi.

Geesta kale Evelyn Musyoka oo ah sarkaal ka tirsan gudiga la dagaalanka gudniinka fircooniga ah ee dalkani Kenya ayaa uga digtay walidiinta in gabadhaooda ay ku samyeen gudniinkaasi halista ah.

Gudniinka fircooniga ayaa wali ka jira dalal badan oo qaarada Africa ku yaala wallow Diimuhu ay isku wada raacsanyihiin in uusan banaanayn.