Diyaarado dagaal ayaa xalay Markale waxaa ay duqeyn ka fuliyeen deegaano ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug, kaasi  oo lala beegsaday Saldhigyo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Deegaanka Duqeynta ay ka dhacday ayaa waxaa lagu Magacaabaa Miiroon,waxaana uu  u dhaxeeyaa deegaanka Caad Iyo Dagmada Xaradheere ee Gobolka Mudug.

Duqeyntaasi ayaa la sheegay inuu  ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo ilaa iyo hada aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah.

Waa Duqeyntii  Sedexaad oo ay diyaarado dagaal duqeymo ka fuliyaan Deegaano ka tirsan Gobalka Mudug.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay duqeymo ka fuliyeen deegaan u dhow xarardheere ee gobalka Mudug ay ku dileen 37 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.