Wa Maalin Talaado tariikhdu waa 13-bisha November sanadka 2018 waana maalinta 317 aad ee sanadkan waxaaana sanadkan ka haray oo kaliya 48 maalmood.

Hadaba aan dib idiin xusuusino qaar ka mid ah dhacdooyinkii maanta oo kale dunida ka dhacay waxaana ka mid ah:-

1994 – Maanta oo kale dalka Sweden ayaa ka mid noqotay Midowga Yurub.

2009 -Maanta oo kale dowlada Faransiiska ayaa shaacisay in maraakiibteeda dagaalka ay gacanta ku dhigeen 3 domood iyo 12 qof oo la socday,  kuwaas oo lagaga shakiyay in ay ahayeen burcad badeed Somaali ah.

2007 -Maanta oo kale dowlada Somaaliya ayaa albaabada isku dhufatay xarumo Warbaahineed oo ku yaalay magaaalada Muqdisho,  kadib markii dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowlada oo tageero ka helaya kuwa Ethiopia iyo kooxihi Maxaakiimta ay ka bilowdeen magaalada Muqdisho.

2010 -Maanta oo kale dab ka kacay beerta xayawaanka Karlsruhe ee dalka Jarmalka ayaa sababay dhimashada in ka badan 26 xayawaan oo beertaasi ku jiray.

2013-Maanta oo kale gobalka Hawii ee dalka Maraykanka ayaa laga ogolaaday in ay isguursan karaan dadka isku jinsiga ah.

2010 -Maanta oo kale madaxweynaha dalka Sudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa u duulay dalka Sacuudiga si uu u soo guto wajibaadka Xajka, iyadoo maxkamada caalamiga ah ah ay soo saartay amar lagu soo xirayo.

2012-Maanta oo kale ururka caafimaadka aduunka ee WHO ayaa shaaciyay in cudur ka dilaacay gobalka Darfuur ee dalka Sudaan uu sababay dhimshada 107 qof.

2014 -Maanta oo kale dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ay siinayso ruqsado shaqo qaar ka mid ah 1.5 Million oo qaxooti Suriyaan ah oo gaaray dalkeeda.

2013-Maanta oo kale xarunta ururka ganacsiga aduunka ayaa markii ugu horaysay xariga laga jaray.

Ku dhegayso Xubintan Barnaamijka Ogaalka-Dunida ee ka baxa idaacada Tusmo Maalin kasta marka laga reebo maalinta Axada ah, saacaduna ay tahay 2:00pm ilaa 3:00pm

By Bile Beshir Mehbub (BBM)