Waa markale iyo kulamadii 12 aad ee Premier League iyo xulashada shaxda kooxda Premier League ugu fiican ee khabiirka BBC Sport ee Garth Crooks kaas oo xili ciyaareedka oo dhan soo diyaariya todobaad kasta kooxda ugu fiican ee uu ka sameeyo 11 ka xidig ee ugu bandhiga fiicnaada horyaalka Premier league.

Garth Crooks ayaa ka mid ah khabiirada kubbada cagta ee sida buuxda diirada ugu haya kulamada Premier league si uu xogta kulamada uga helo shaxda kooxdiisa todobaad ee Premier League taas oo kadib kulamada lagu daabaco BBC Sport.

Todobaadkan waxa uu Garth Crooks gabi ahaanba shaxdiisa ka sifeeyay ciyaartoyda kooxaha Manchester United, Chelsea iyo Arsenal oo aan wax guulo ah gaadhin kuwaas oo ayna ka soo bixin xidigo u qalma shaxda kooxdiisa todobaadkan maadaama oo ayna samayn bandhigii uu shaxdiisa ugu soo dari lahaa.

Taas badalkeeda kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa noqday kooxaha shaxdan ka helay hal ciyaartoy wax ka badan iyada oo waliba Man City ay tahay kooxda ciyaartoyda ugu badan shaxdan ka heshay.

Goolhayaha- Jordan Pickford (Everton)

Aan soo qaadano goolhayaha uu Garth Crooks todobaadkan shaxdiisa ku soo bilaabay waana goolhayaha kooxda Everton ee Jordan Pickford kaas oo kulankii Chelsea bandhig fiican ka sameeyay isla markaana Blues guul ka horjoogsaday.

Afarta Difaaca Ah – Matthew Lowton (Burnley), Sol Bamba (Cardiff), Juan Foyth (Tottenham), Andrew Robertson (Liverpool)

Afarta difaaca ah ee shaxda Crooks waxaa ka soo wada muuqday Matthew Lowton oo Burnley ka tirsan, Sol Bamba  oo Cardiff City u ciyaara, Juan Foyth  oo Tottenham guul ku hogaamiyay iyo waliba difaaca bidix ee wacdaraha ka dhigaya kooxda Liverpool ee Andrew Robertson.

Khadka Dhexe – Fernandinho (Man City), David Silva (Man City), Felipe Anderson (West Ham)

Facebook Comments