Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay sarkaal Ajnabi ahaa ay ku dileen gudaha degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Abuu Anas Al Misri ayaa la sheegay in uu dhashay wadanka Masar, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Al Shabaab sarkaalkaasi ay ku dileen Masjid ku yaalla degmadaasi, kadib markii ay weerar ay ku qaadeen halkaasi.

Waxaana la sheegay in sarkaalka Ajnabiga ee la dilay uu diiday in isku dhiibo kooxda Al Shabaab.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Al Shabaab ay xabsiga dhigeen Rag Soomaali iyo Ajaaniib isugu jira, kuwaas oo looga shakiyay in ay xariir la leeyihiin Kooxda Daacsh.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona degmada Jilib ay ka taagan tahay xiisad ka dhex aloolsan xubno sare oo ka tirsan Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here