Wa Maalin Sabti tariikhdu waa 10-bisha November sanadka 2018 waana maalinta 314 aad ee sanadkan waxaaana sanadkan ka haray oo kaliya 51 maalmood.

Hadaba aan dib idiin xusuusino qaar ka mid ah dhacdooyinkii maanta oo kale dunida ka dhacay waxaana ka mid ah:-

1997-Maanta oo kale roobab xoogan oo ka da’ay Somaaliya ayaa sababay in wabiga Juba uu fataho waxaana ku dhintay 564 qof halka 800,000 oo kalena ay ku barakaceen.

1938- Maanta oo kale Madaxweynihi ugu horeeyay ee dalka Turkiga Mustafa Kemal Atatürk ayaa geeriyooday.

1989 –Maanta oo kale dowlada Jarmalka ayaa bilowday in ay burburiso darbigi Beerliin.

2008-Maanta oo kale kooxo hubaysan ayaa dalkani Kenya ka afduubtay qaysas kaniisado oo u dhashay Dalka Talyaaniga iyagoona ula gudbay dalka Somaaliya.

2009-Maanta oo kale burcad badeeda Somaalida ayaa qabsaday markab laga lahaa Dalka Giriiga iyagoo markii dambena ku siidayay lacag madax furasho ah.

2013-Maanta oo kale dowladdaha Somaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiiday heshiis dhigayay in dib loo celiyo qaxootiga Somaalida ah ee jooga dalkani Kenya.

2001 – Maanta oo kale Shiinaha aya ku biiray ururka ganacsiga aduunka .

2009 -Maanta oo kale dowlada Ethiopia ayaa shaacisay in god ka heshay dahab dhan 40 tan qiimo ahaana ku fadhiya 1.7 billion oo dollarka Maraykanka ah.

Ku dhegayso Xubintan Barnaamijka Ogaalka-Dunida ee ka baxa idaacada Tusmo Maalin kasta marka laga reebo maalinta Axada ah, saacaduna ay tahay 2:00pm ilaa 3:00pm

By Bile Beshir Mehbub (BBM)

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here