Kooxda Liverpool ayaa ka hadashay xaqiiqada wararka sheegaya in uu Milkiilaha kooxdu suuqa dhigay kooxda diyaarna u yahay in uu iibiyo kooxda Liverpool.

Wargayska New York Post kana soo baxa dalka Maraykanka ayaa xalay shaaciyay in uu Milkiilaha Liverpool ee John W. Henry diyaar u yahay in uu iibiyo kooxda Liverpool isaga oo waliba sheegay qiimaha uu ku iibinayo.

Laakiin Kooxda Liverpool ayaa beenisay wararkaas saacado kadib markii uu wargaysku soo qoray warka sheegaya in Liverpool suuqa la dhigay waliba ku doonayo in uu ku iibiyo lacag dhan 2 bilyan.

Af hayeenka kooxda oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan gabi ahaan beeninayaa wararka xanta ah ee aan salka iyo raadka toona lahayn ee sheegaya in Milkiilaha kooxdu iibinayo kooxda, kooxdu iib ma ahan”.

Sanadkii hore ayuu ina adeerka Milkiilaha Kooxda Man city isku dayay in uu iibsado kooxda Liverpool laakiin Milkiilayaasha kooxda ayaa diiday in ay kooxda iibiyaan.

Warkan ayaa la macno ah in ay milkiilayaasha reer Maraykan sii hogaamin doonaan kooxda Liverpool oo ay iibsadeen sanadkii 2010.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here