Laba qof oo lagu tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen qishka imtixaanka qaran ee dalka ka socanaya ayaa lagu wadaa in maanta ay ka soo hormuuqaan maxkamada.

Wasiirada waxbarashada dalka Aamina Maxamad ayaa sheegtay in labadan qof gacanta lagu dhigay maalinti arbacada ahayd laguna soo qabtay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada boliiska iyo gudiga imtixanaadka qaran ee dalka.

Wasiirada wasaarada waxbarashada dalka ayaa ugu dambayn ku nuuxnuuxsatay in Wasaaradeedu ay ka go’antahay sugida amaanka imtixaanka si loo fashiliyo iskuday kasta oo la doonaya in lagu qisho imtixaanka sanadkan.
Tan iyo markii uu bilowdeen imtixaanka qaran waxaa xabsiga loo taxaabay dadyow kala duwan kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qishi rabeen imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee dalka ka soconaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here