Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Eedeyn u jeediyay Wasiiraddii ka horreeyay Wasiiraddii u soo Magacaabay oo sheegay in ay burburin ku haayeen Wasaaraddaha kala duwan ee dowladda.

Waxaa uu sheegay in Asaga ka hor in Wasiir kaste uu keensan jiray Qabiilkiisa,taasina ay tahay mid halis ku ah jiraanta Wasaaraddaha iyo shaqooyinka Caadiga ah ee ka socda.

Wasiiradda ayuu sheegay in uu ku amray in aysan shaqaaleysiin karin Cid uusan ogeyn,Maadaama dhibaatooyin badan ay ka jiraan dalka.

Wasiiraddii ugu wanaagsanaa ayuu ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwo si aan loo fahmin midba midka kale qabiilkiisa uu ku badali jiray si ay shaqo u siiyaan dadka ay isku heybta yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay joojisay hab ka dhaqankaasi oo ahaa mid si weyn u ragaadiyay dowladnimada Soomaaliya, ayna la dagaalantay Musuq maasuqa.

Hoos ka dhegayso codka Raysul wasaaraha:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here