Boqolaal ka mid ah rakaabka dadweynaha ayaa ku xayirmay saaka xaafaddaha dhaca bariga magaalada Nairobi kadib markii shaqo joojinta gadiidka noociisa Matatuda ay wali sii socoto.

Dadka degan xaafadaha Umoja, Dohnholm, Buru Buru, Kayole, iyo degaanada dariska la ah ee ku tiirsan wadada mashquulka badan ee Jogoo ayaa saaka ay dani ku qasabtay in mudo badan ay tagnadaan hareeraha wadooyinka kadib markii ay wayeen baabuur ay racaan.

Wadayaasha gadiidka ayaa ka soo horjeeda shuruucda wadooyinka ee loogu magacdaray Wasiirkii hore ee gaadiidka John Michuki, kuwaas oo ay ka mid tahay in baabuur kasta uu lahaado qalabka lagu xakameeyo xawaaraha gaariga uu ku socdo.

Qorshahan ayaa dowladu waxa ay uga gonleedahay xal u helida shilalka kala duwan ee ka dhaca guud ahaan dalka oo dhan kuwaas oo galaaftay nolasha dad badan oo Kenyaan  ah.

Kol sii horaysay wasiirka arimaha gudaha dalka Dr. Fred Matiangi iyo wasiirka gadiidka, James Macharia ayaa shaaciyay in ay dhaqan galin donaan shuruucda gadiidka ee loogu wanqalay Wasiirkii hore ee gaadiidka John Michuki.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here