Wararka ka imaanaya xaafada Lorrok ee Ismaamulka Samburu ayaa sheegaya in 20 qof oo ka mid ah dadka degaanka la dhigay isbitaalka kadib markii ay cuneen hilibka neef ido ah oo bakhtiyay.

Shan ka mid ah dadkaasi oo labo ka mid ah ay yihiin caruur ayaa lagu soo waramayaa in wali ay ku jiraan isbitaalka magaalada Maralal halkaas oo xaladooda cafimaad lagu dabiibayo.

Sarakiisha cafimaadka ayaa sheegay in dadka qaar ay bilabeen mataq iyo shuban kadib markii ay cuneen hilibka neefka bakhtiyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkii lahaa neefka bakhtiyay lagu amaray in uu aaso bakhtiga iyadoo sidoo kale dad degaanka looga digay cunida hilibka xoolaha bakhtiyay.