Xildhibaanada labada gole ee dalka Itoobiya ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah u doortay madaxweynihi ugu horeeyay ee dumar ah oo dalkaasi uu yeesho.

Baarlamaanka ayaa Sahlework Zewdie u doortay madaxweynaha cusub ee dalka Ethiopia kadib markii booskaasi baneeyay madaxweynihi hore ee dalkaasi Mulatu Teshome oo shalay xilkaasi iska casilay .

Dawladda Itoobiya ayaa isbadallo waawayn oo siyaasadeed samaynaysay bilihii u dambeeyay tan iyo intii uu xilka la wareegay ra’iisulwasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Axmed.

Isbadalada waa wayn ee  Abiy Axmed  uu sameeyay tan iyo markii xafiiska uu qabtay waxaa ka mid ah in golahiisa wasiirrada 50% uu ka dhigay dumar.