Ku xigeenka Madaxa cadaalada dalka Philemona Mwilu ayaa la filayaa in maanta ay ka soo hormuuqato maxkamada,  iyadoo sida lagu wado kiiskeeda ay dhagaysan donaan sadex garsoore.

Agaasimaha waaxda dambi oogista dalka Nuradiin Xaaji ayaa doonaya in kiiska ka dhanka ah haweenydan ay dhagaystaan sadex garsoore.

Garsooraha Maxkamada sare Chacha mwita ayaa horay u soo saaray amar lagu joojinayo dacwada ka dhanka ah mss Mwilu kadib markii ay codsatay in la joojiyo eedaymaha ka dhanka ah iyada madaama ay yihiin kuwa lagu sumcad ridayo.

Mwilu ayaa ka soo muuqatay maxkamada sare ee Nairobi bishii August iyadoo wajahayasa eedaymo la xariira in ay qaadatay lacag dhan 12 million oo shilinka dalka ah ay ka qaaday bankiga Imperial Bank iyo eedaymo kale oo musuq la xariira.