Xoghayaha wasaaradda waxbarashada Dr. Belio Kipsang ayaa shaaciyay in guddiga imtixaanaadka qaran ee KNEC ay si dhow ula socon donaan dadka ku howlan qishida imtixanaadka qaran ee dalka ka bilaaban doona.

Mr. Kipsang ayaa intaasi ku daray in kormeerayaasha imtixaaanka kaliya loo ogolaan doono in telefoonada gacanta ay la soo galaan xarumaha imtixaanka lagu qaadayo si looga gashaanto in imtixaanka qaran la qisho.

Horay wasiirada waxbarashada dalka Aamina Maxamad ayaa ku hanjabtay in talaabo  laga qaadi doona cid kasta oo isku dayda in ay qishto imtixaanaadka sanadkan.

Hadalka wasaarada waxbarasahada dalka ayaa ku soo beegmaya xili dabayaaqa bishan la filayo in dalka oo dhan ay ka bilowdaan qaadida imtixaanadka shahaadiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here