Arda Turan waa ciyaartoy u dhashay dalka Turkiga waxaana lagu soo eedeeyay dacwad la xariirta in uu la dagaalamay hesaa caan isna ka ah dalkaasi Turkiga kadib markuu uu sanka ka jabiyay hesaaga Berkay Sahin .

Dacwad oogayaasha dowlada ayaa dalbanaya in ciyaartoygan lagu xukumo 12.5 sano madaama uu dhibaato u gaystay hesaaga caanka ah ee Berkay Sahin .

Khilaafka labadan nin ayaa ka dhacay baar ku yaala Magaalada Istambul kaas oo markii dambe keenay in hesaaga nabar la gaarsiiyo.

Ciyaartoygan khadka dhexe ka ciyaara ayaa amaah ahaan ugu dheela kooxda Istanbul Basaksehir, balse wuxuu ka tirsan yahay kooxda Barcelana.

Wararku waxay sheegayaan in fannaanka oo loo yaqaanno Berkay uu la socday xaaskiisa Ozlem Ada Sahin iyaga oo markaas ku sugnaa baar ku yaalla magaalada Istambul, intaas ka dibna uu ninkeeda weeraray, kaas oo markii dambe isbitaal loo qaaday isaga oo sanku jaban yahay.

Turan ayaa markii dambana lagu eedeeyay in uu hub la soo baxay, isla markaasna uu cafis dalbaday isaga oo dalbaday in la toogto haddii fannaanku uu aamino in eedaynta tacaddigu ay runtahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here