Kooxda reer talyaani ee Ac Milan ayaa dooneeysa in qandaraaska ay u kordhiso ciyaaryahan Giacomo Bonaventura kaasi oo kamid ah Ciyaartooyda ugu wanaagsan ee kooxda.

Giacomo ayaa kamid ah dooqa koowaad ee kooxda Rosseneri xilli ciyaareedkan waxaana kooxda Milan ay qorsheeneysaa in kulanka Derby Milan kadib ay qandaraaska u dheereeyaan xiddigan.

Majalada reer talyaani ee Tutto mercato web ayaa aaminsan kulanka isbuuca soo aadan ay wada ciyaari doonaan kooxaha Milan iyo Inter kadib in laga saxiixi doono qandaraas cusub ciyaaryahan Bonevantura.

Sikastaba Bonevantura ayaa kusoo biiray Naadiga Milan sanadkii 2014 isagoo ka yimid kooxda Atlanta tan iyo markii uu kusoo biiray kooxdiisa waxuu u ciyaaray 150 kulan isagoo shabaqa gaaray 31 gool 25 gool kalena caawiyay.

29 sano jirkan ayaa fasal ciyaareedkan ayaa 7 kulan ka ciyaaray horyaalka SeriA isagoo dhaliyay 3 gool waxaana uu ka qeyb qaatay 1 gool oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here