Wa Maalin Sabti ah tariikhdu waa 13-bisha October sanadka 2018 waana maalinta 286 ee sanadkan waxaaana sanadkan ka haray oo kaliya 79 maalmood.

Hadaba aan dib idiin xusuusino qaar ka mid ah dhacdooyinki maanta oo kale Dunida ka dhacay waxaana ka mid ah :-

1944 -Maanta oo kale dagaalkii labaad ee dunida ciidamada Maraykanka ayaa galay Magaalada Aachen ee dalka Jarmalka .

1989 -Maanta oo kale Madaxweynihi Maraykanka George H.W Bush ayaa ku baaqay in xukunka laga tuuro hogaamiyihii Panama Manuel Antonio Noriega.

2002 -Maanta oo kale dooni  siday 120 qof oo Somaali iyo Ethiopian isugu jiray ayaa ku ciladowday biyaha gacanka Cadan waxaana ku dhintay 70 qof.

2008-Maanta oo kale kooxaha Islaamiyiinta Somaaliya ayaa weerar ku qaaday Ciidamada Midowga Africa ee ku suganaa magaalada Mogadishu, waxaana halkaasi ku dhaawacmay shan qof oo dad shacab ah ay ku jireen.

2004-Maanta oo kale ciidamada Milatari Israel ayaa dilay 4 qof oo Falastiiniyiin ah kadib mudo laba todobaad ah oo ay howlgal ka wadeeen magaalada Qaza ee dhulka Falastiin.

2006 -Maanta oo kale Madaxweyne Bushkii Maraykanka ayaa saxiixay cunaqabataymo lagu soo rogo dadka masuulka ah ka ahaa xasuuqi ka dhacay wadanka Sudaan.

2006-Maanta oo kale weerar lagu qaaday ciidamada NATO ee ku sugan koonfurta Dalka Afghanistan ayaa lagu dilay 2 askari halka 8 rayid ahna lagu dhaawacay.

2011 -Maanta oo kale kooxda Al-shabaab ayaa xeryaha Dhadhaab ka afduubatay laba dumar oo u dhashay dalka Spain,kuwaas oo ka shaqaynayay howlaha banii’adanimo ee Xeradaasi.

2011 -Maanta oo kale Madaxweynaha Sudaan Cumar Xasan Albashiir ayaa gaaray dalka Malawi si uu uga qayb galo kulanka ganacsiga ee dalalka qaarada xili maxkamada ICC ay baadigoobayso.

2012 -Maanta oo kale warbaahinta afka dowlada Suuriya ku hadasha ayaa baahisay in la mamnuucay dhamaan dulimaadyadi ka imaan jiray dalka Turkiga.

1923-Maanta oo kale dowlada Turkiga ayaa caasimada dalkaasi ka wareejiyay Magaalada Istanbul iyadoo caasimada cusubna ka dhigtay Ankara.

1943-Maanta oo kale dagaalkii labaad ee dunida dowlada Talyaaniga ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah dalka Jarmalka.

2013-Maanta oo kale 115 ayaa ku dhintay halka100 kalena ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacay degmada Datia ee dalka Hindiya.

Ku dhegayso Xubintan Barnaamijka Ogaalka-Dunida ee ka baxa idaacada Tusmo  maalin kasta marka laga reebo maalinta Axada ah, saacaduna ay tahay   3:00pm ilaa 4:00pm

By Bile Beshir Mehbub (BBM)